Saturday, July 5, 2025

XOG: Hirshabeelle oo hakisay Doorashada 11 Kursi iyo Cabsi Amni oo ka taagan Beledweyne

Xaalad ka dhex taagan Musharixiinta Hubeysan ee Magaalada Beledweyne iyo Madaxda Maamulka Hirshabeelle

Maamulka Hirshabelle ayaa hakiyey doorashada 11 kursi ka dhici lahayd magaalada Beledweyne, iyadoo aan waqti kale loo qaban, kadib qoraal xalay kasoo baxat Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle (SEIT).

Kuraasta ku harsan magaalada Beledweyne ee 11-ka kursi ahaa ayaa ka mida kuwa ugu culus ee ay leeyihiin Beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel, waxaana Gguddiga Doorashada Hirshabelele uu ogeysiiyay dhammaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed.

Kulan dhowaan dhex maray madaxda Hishabeelle iyo ku dhowaad 60 musharax oo u taagan 11ka kursi ayaa looga hadlay xaaladda Doorashada, Amniga iyo sida looga wadashaqeyn karo in Doorashadu ku dhacdo, laakiin qodobka ugu weyn ayaa ahaa arrinta Amniga.

Musharixiinta qaarkood ayaa si weyn u hubeysan oo leh maleeshiyo iyo gaadiidka dagaalka, waxayna ciidamadaasi kusugan yihiin xarunta maamulka iyo agagaarkeeda. Madaxda Hirshabelle ayaa dalbatay in ciidamada badan iyo hubka musharixiinta ka saaraan xarunta maamulka, qodobkaasi oo la fulin waayey.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Musharixiinta ay shaki weyn ka qabaan in madaxda Hirshabeelle ay faragelin ku sameeyeen doorashada oo kuraasta u xiraan xubno gaara, iyagoo ka cabanaya lacago xad dhaaf ah oo Guddiga Doorashada Hirshabeelle ka qaado Musharixiinta.

Cabsida Amniga iyo musharixiinta Hubeysan ee magaalada Beledweyne ayaa sbabay in dib loo dhigo Doorashada kuraastii harsaneyd ee magaalada Beledweyne, iyadoo weli aanay jirin kalsooni lagu qaban karo Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON