Thursday, June 26, 2025

XOG: Isku shaandheyn Golaha Wasiirada oo Miiska Saaran [Akhriso Wasiirada xilalka weynaya]

Qorshaha ayaa waxaa riixaya madaxtooyada iyadoo Ra'iisal wasaare ku qasban yahay inuu isku shaandheyntan ku dhaqaaqo

Xogta laga helayo xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha Muqdisho ayaa sheegaya inay miiska saaran tahay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Arrintan oo dhowaan uu beeniyay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa si lama filaan ah u soo shaac baxday kadib dhacdooyin is xigxigay oo gilglay Villa Somalia, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in wasiiro muhiim ah ay weyn doonaan xilalkooda.

Wasiirada qarka u saaran inay waayaan xilalkooda waxaa ugu horeeya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda Cabdi Yuusuf Juxa iyo Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo beelahooda ay cadaadis ku hayaan madaxda sare iyo wasiiro kale oo waxqabadkooda la dhaliilay, waxaa kaloo wararku sheegayaan in wasiirada la ceyrinayo ay ku jiraan ilaa 5 wasiir oo jagooyim muhiim ah haya.

Wasiir Cabdi Faarax Juxa & Yuusuf Garaad oo ku sugan Goobtii lagu magacaabay 21 Maarso 2017

AKHRISO: LIISKA GOLAHA WASIIRADA SOOMAALIYA

Qorshaha ayaa waxaa riixaya madaxtooyada iyadoo Ra’iisal wasaare ku qasban yahay inuu isku shaandheyntan ku dhaqaaqo si xaaladda xukuumadda wax looga bedelo, isla markaana loo yareeyo xaaladaha ka dhashay dhacdooyinkii saameynta ku yeeshay dowladda Federaalka iyo madaxdeeda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON