Sunday, June 22, 2025

XOG: Kooxda Farmaajo oo 3 Caqabad u diyaarisay ka hortagga Dhaarinta Xildhibaannada

Kadib markii xalay ay Guddiga Doorashada Heer Federaal ee SEIT iyo xoghayeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Shaaciyeen Liiska xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa soo baxay diidmo ka timid Madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kooxdiisa oo la hadal hayey inay diidan yihiin, isla markaana hor istaagi doonaan dhaarinta xildhibaannada, iyagoo doonaya inay dib u sii dhacdo gabagabeynta Doorashada ayaa saqdii dhexe kadib la yimid qorshihii ugu horeeyay ee Caqabado ay u diyaariyeen in looga hortago dhaarinta xildhibaannada cusub.

Guddiga FEIT iyo Xoghayeyaasha labada Aqal ayey ku qaadatay saacado inay shaaciyeen Liiska xildhibaannada, kadib markii ay faragelin ka timid Madaxtooyada, iyadoo doodu ka dhalatay xubno kusoo baxay kuraas uu Guddiga FEIT hore u joojiyey doorashadooda oo Guddiyada Doorashada K/Galbeed iyo Hirshabeelle ay ku adkeysteen inay qabtaan.

Ad

Afarta xubnood ee Liiska shaacinta laga reebay waxaa ugu horeeya gacan-yaraha Farmaajo, agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana ka mida saddex kursi oo dacwad ka taalay K/Galbeed.

Caqabadda koowaad

Kooxda Farmaajo waxay xalay abaabushay xubno ka mida Guddiga Doorashada FEIT, si loo muujiyo inay guddiga isku khilaafsan yihiin shaacinta Natiijada, waxaaba xilli danbe saxaafadda la hadlay Xoghayaha Guddiga C/raxiim Cabdicasiis Aadan oo isku dayey inuu beeniyo Liiska xildhibaannada la shaaciyay.

- Advertisement -

Qorshaha kala jebinta Guddiga iyo Qalalaase ka dhex abuurka dhexdooda ah ayaa fasilmay waxaana Villa Somalia u qaabilsanaa Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maxamed Xasan Cirro, Xogahaya xilka laga eryay iyo ilaa 4 xubnood oo kale.

Caqabada labaad

Sida laga soo xigtay xafiiska Farmaajo qorshaha labaad ee ay doonayaan inay uga hortagaan dhaarinta xildhibaannada waa in Madaxweynaha K/Galbeed uu xildhibaannada kasoo baxay K/Galbeed ku amro inaysan tegin Xamar oo aysan ka qeybgelin dhaarinta xildhibaannada cusub oo loo asteeyay inay dhacdo 14-ka bishan April 2022.

Qorshahan ayaa hirgalay, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu waanwaanaan cidna u dirsan oo xeeladeysan ku tegay magaalada Baydhaba, isagoo la safan dhinac ka mida qeybaha is haya.

- Advertisement -

Caqabadda Saddexaad

Waa tan ugu danbeysa oo ugu culus haddii ay shaqeyn waayaan labada caqabad ee hore, waana mid la xiriirta xaalad amni oo Muqdisho laga abuuro si looga hortago Dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad oo soo afjareysa jirintaanka awoodii Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Caqabada saddexaad waxaa ka horeysa abaabula ka socda Gobolka Gedo, iyadoo uu Farmaajo halkaasi u diray ninkii u qaabilsanaa Gobolkaasi ee hadda ah xildhibaan dooran C/llaahi Kulane, waxaana 16-ka Kursi ay noqon doonaan arrinta lagu quusto ee hakinta dhaarinta xildhibaannada, haddii ay kooxda Farmaajo awoodi waayeen inay awood adeegsadaan ama abuuraan xaalad amni oo dhaarinta xildhibaannada lagu hor joogsado.

Ra’iisal wasaare Rooble oo taageero ka heysta Beesha Caalamka, inta badan maamul Goboleedyada iyo Musharixiinta ayaa ku adkeysanaya inuu ku socdo jadwalka Doorashada, iyadoo uu wajahayo dagaalkii ugu danbeeyay ee Kooxda Farmaajo uga yimaada.

Qormadan: Waxaa Goobjooge.net lagu daabacay 1-dii April, waxaa la cusbooneysiiyay 11-ka April 2022

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON