Kursigan wuxuu dagaal culus ka dhex qarxiyey taageerayaasha Rooble, Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Xasan Kheyre, waxaana udub dhexaad u ah Mahdi Guuleed
Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dirta Waqooyi ayaa mar kale isku khilaafay Doorashada Dadban, waxaana soo shaac baxay murankii ugu weynaa oo dhaliyey eedeynta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta.
Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo ay wehliyaan Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow iyo odayaal kale ayaa shir jaraa’id eedeyn culus uga jeediyay Ra’iisal wasaare Rooble, taasoo dhalisay jawaab culus oo ka timid Garabka Raiisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Odayaasha la jira.
Khilaafka labada dhinac ee Dirta Waqooyi wuxuu dagaal culus ka dhex qarxiyey taageerayaasha Rooble, Maxamed Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre, wuxuuna soo kiciyey odayaal beeleed oo kala taageeraya labada dhinac.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inkastoo dhinac waliba dadaal ugu jiro boobista iyo helitaanka kuraasta ugu badan ee Golaha Shacabka in haddana muranka cusub uu dhaliyey kurisga HOP238 oo ay leedahay Beesha Habar Jeclo, gaar ahaan Maxamed Abokar.
Kursigan waxaa hadda ku fadhiga Xildhibaan Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir oo mar kale doonaya inuu kusoo laabto, waxayna xaaladdu qaraxday in Xildhibaankan uu isbaheysi la yahay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, iskana diiday inuu hoos tago Madaxda Siyaasadda iyo dhaqanka Beeshiisa, taasoo ka careysiisay Boqor Buurmadow iyo siyaasiyiinta kale.
Xildhibaan Ismaaciil C/raxmaan dhinac wuxuu isbaheysi kala leeyahay Mahdi Guuleed, dhinaca kalena waa guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, sidaasoo ay tahayna codkiisu waa mid ay musharixiin badan xisaabsanayaan.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa arrinta kasoo galay heshiis uu la galay ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed oo uu heshiis ku yihiin in loo sii daayo xubno uu doonayo inay xildhibaanno kusoo baxaan oo kasoo jeeda Beelaha Dirta Waqooyi, halka Mahdi Guuleed isna loo fulinayo rabitaankiisa sida hore uga dhacay kursigii uu isagu kusoo baxay.
Kursiga HOP238 wuxuu u muuqdaa mid ay ku guuleysanayaan garabka Mahdi Guuleed oo gacan ka helaya Ra’iisal wasaare Rooble oo labaduba ay hadda ugu sareeyaan xukuumadda Xilgaarsiinta, balse dhaawaca uu dhaliyay ee siyaasadeed ayaa ah mid weyn oo saameyn ku yeelay ilaa shan Musharax oo ka mida kuwa ugu waaweyn ee u taagan xilka Madaxweynaha.
Maxamed Farmaajo: wuxuu dhinac uga xiran yahay Mahdi Guuleed, waxaana dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyaa Rooble, waxayna taageerayaashiisu aad uga faa’iideysteen weerarka ay dhinaca Cabdi Xaashi iyo Boqor Buur Madow ku qaadeen Rooble, iyadoo aan dan ka lahayn kursiga la isku heyso.
Maxamed Xuseen Rooble: Wuxuu si toos ah ugu dhex jiraa murankan, wuxuuna isbaheysi la leeyahay Mahdi Guuleed oo awoodiisa xafiiska kula wareegay maamulka kuraasta Gobollada Waqooyi. Rooble ayaa xubno uu wato oo kasoo jeeda Beelaha Isaaq soo marsiiya Mahdi Guuleed, isagoo aan qiimeyn xasaasiyada siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beelaha Dirta Waqooyi u dhaxeysa.
Mahdi Guuleed: Waa jookarka siyaasadeed ee dhextaalka u ah murankan, wuxuuna xiriir la wada leeyahay Farmaajo, Rooble iyo musharixiinta kale, wuxuuna ka faa’iideysay awoodda xafiiskiisa iyo tan Rooble, isagoo saameynta ugu badan ku leh kuraasta Somaliland iyo dadka ku soo baxaya.
Sheekh Shariif: Waa musharaxa aan isagoo wax howl ah marin, dagaalka socdana ku lug yeelan xisaabsanaya codka xildhibaan Ismaaciil C/raxmaan Sheekh, inkastoo wax kasta isbedeli karaan, haddana rajadaas waa mid u taagan.
Xasan Kheyre: Xiriir toos ah lama laha murankan, waxaase si dadban loogu xiriiriyey, looguna maagay in Cabdi Xaashi iyo Boqor Buur Madow ay dhinac ahaan is xigaan, haddii kursiga u gacan geli lahaa Boqor Buur Madow-na uu xisaabsan lahaa Kheyre.
Xasan Sheekh: Waa musharax waxba ka quseynin kiiska oo dhan, balse taageerayaashiisa ayaa kiiskan ka arkay fursad ay kula dagaalami karaan musharax ay hooska gadaashiisa ka arkeen ee Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ay u arkaan inuu halis ku yahay musharaxooda.

GOOBJOOGE.NET