Dowladda Somalia ayaa culeyskii ugu horeeyay kasoo wajahay xaaladda Jubbaland iyo dib u doorashadii Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kadib markii beesha wakiilada Beesha caalamka ay ka dalbadeen madaxda dowladda Somalia wadashaqeyn buuxda oo dhex marta dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ka hor shir ka dhici doona Muqdisho.
Kulan magaalada Baydhaba ku dhex maray wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa looga hadlay shirka Somalia Partnership Forum oo 1-2 Oktoobar ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasoo tubaha ee dib habeynta siyaasadda, Amniga-cadaaladda, iyadoo ay muhiim tahay inay kasoo qeyb galaan dhammaan maamul Goboleedyada dalka, lagana rabo wadashaqeynta dowladda Federalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.
Maamulka Jubbaland ayey Beesha caalamka dooneysaa inuu kasoo qeyb galo shirkaasi, taasoo ay diidan yihiin madaxda dowladda Federaaka Soomaaliya oo aan aqoonsan doorashadii Axmed Madoobe, kuna tilmaamay sharci darro, iyadoo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu qaatay go’aan ah inuusan wax wadahadal ah la gelin Axmed Madoobe.
Haddii dowladda Federaalka ku adkeysato inaan shirkaasi lagu casuumin Axmed Madoobe ama inta ka horeysa aan lagu guuleysan waanwaan la dhex dhigo labada dhinac ayaa laga cabsi qabaa inuu fashilmo, iyadoo la saadaalinayo in Puntland ay qaadici doonto shirka haddii aan lagu casuumin Axmed Madoobe, taasoo abuureysa xaalad is mari’ waa ah iyo culeys siyaasadeed oo soo wajaha madaxda dowladda Federaalka.