Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirar uga socdaan magaalada Muqdisho, iyagoo go’aan ka gaaraya inay ka qeyb galaan Shirka madaxda Maamul Goboleedyada uga socda magaalada Dhuusamareeb.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo aanu weli go’aan ka qaadan cidda Madaxda dowladda Federaalka uga qey galeysa Shirka Dhuusamareeb, kadib markii madaxda maamul Goboleedyada ay si hoose u marti qaadeen.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isagu diyaar u ah inuu ku biiro shirka Dhuusamareeb uga socda madaxda Maamul Goboleedyada, waxayna wararku sheegayaan in Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha aysan isku waafaqin in la isla tago iyo in mas’uul kaliya u shirka ka qeyb galo.
La-taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn uga horjeeda inuu tago shirka Dhuusamareeb oo ay u arkaan halis siyaasadeed, waxaana socda shirar ay leeyihiin madaxda Sare ee dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin Guddoonka Golaha Shacabka.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa diyaariyey War-murtiyeedka ay kasoo saarayaan wejiga koowad ee shirkooda Dhuusamareeb, iyadoo wejiga labaad loogu baaqayo inay kasoo qeyb galaan madaxda Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la ogaado madaxda dowladda Federalka ee ku biireysa shirka Dhuusamareeb.