Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay inuu safar aan hore loo sii ogeyn maanta ku tegay Magaalada Garoowe caasimadda Maamulka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in safarkan oo si degdeg loo qorsheeyay uu ka danbeeyay xiriir ay wada yeesheen labada madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland, waxayna ilo ku sugan Garowe sheegeen in Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas)uu xarunta Madaxtooyadda Garowe kulan kula yeeshay Madaxweyne Axmed Xaaf.
Lama oga ujeedka socdaalka lama filaanka ah iyo wadahadalka labada madaxweyne oo ka mida madaxa maamul Gobolleed Labada Masuul ay yeesheen kulamo ay albaabadu u xiran yihiin oo aan wax faahfaahin ah laga bixin.
Xaaf ayaa la sheegay inuu ka dhoofay magaalada Dhusamareeb, iyadoo ay la socdeen ciidamo yar oo ilaalo u ah, iyadoo aanay cidna ku wehlin safarkaasi, waxaana la isla dhex marayaa wararka ku saabsan socdaalka Xaaf ee Garowe.
Arrintan ayaa soo shaac baxeysa iyadoo Madaxweyne Xaaf oo khilaaf xoog leh kala dhaxeeyo ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, isla markaana uu diiday inuu qeyb ka noqdo dhexdhexaadin ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya.