Monday, June 23, 2025

XOG: Mareykanka oo Dalab cusub hordhigay madaxweyne Farmaajo iyo Shir cusub oo la qabanqaabinayo

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay ka dalbatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu qabto shir dhameystir u ah shirkii Dhuusamareeb 3.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweyne Farmaajo oo kasoo laabtay Magaalada Samareeb ee xarunta Galmudug, iyadoo xogta laga helay ay sheegeyso in Safiirka Mareykanka uu ka dalbaday inuu qabto shir loogu yeero madaxda dowlad Goboleedyada oo dhan, ayna kasoo qeyb galaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Wararka waxay intaas ku darayaan in kulanka ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Hirshabeelle C/casiis Xasan Lafta-gareen iyo Maxamed Cabdi Waare, isla markaana Mareykanku doonayo in kulan kale oo lagu dhammeystiro la qabto si heshiiska Doorashada ee lagu saxiixay magaalada Samareeb u noqdo mid loo dhan yahay.

Lama oga in Madaxweyne Farmaajo aqbali doono dalabka ka yimid Mareykanka, laakiin waxaa la sheegay inuu qaatay dalabkii safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, laakiin waxaa ku dhammaanaya xilliga ay ahayd inuu soo magacaabo Ra’iisal wasaare oo 3 maalmood uga harsan tahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON