Sunday, April 11, 2021

XOG: Mareykanka oo Farmaajo ka diiday inuu Ciidamada Danab u adeegsado howlgalkii 19-Febraayo

Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa laga hor istaagay in loo adeegsado howlgalkii 19-kii Febraayo ee keenay Weerarkii lagu qabsaday Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho iyo iska hor imaadkii Hotalka Maa’ida.

Wargeyska Washington Post oo soo xigtay sarkaal ka tirsan ciidamada Danab ee Mareykanku tababarray oo magaciisa la qariyey, ayaa qortay in Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu taliyeyaasha Sare ee Danab ka dalbaday inay ciidamada la geeyo magaalada Muqdisho ka hor bannaanbixii Jimcaha ee Musharixiinta, laakiin dalabkaasi la diiday.

Farmaajo ayaa weerarkii 19-ka Febraayo u adeegsaday ciidamada Milateriga Gorgor, Booliska Gaarka ah ee Haramcad oo Turkigu tababarray iyo ciidamada NISA ka mida ee Warran; waxayna beegsadeen beegsaday Daljirka Dahsoon, Hotelka Maa’ida oo ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore iyo bannaabaxayaal ay mushariixin hoggaaminayeen oo ka dhacay jidka u dhaxeeya Hotel Jaziira iyo KM4.

Ad

Ciidamada Danab ee Mareykanku tababarro ayaa ah ciidamo ugu tababarka wanaagsan milateriga Soomaalida, waxayna la howlgalaan kuwa Mareykanka, iyadoo uu mushaarkooda bixiyo Mareykanka oo diidan in loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

156,477FansLike
2,430FollowersFollow
5,835FollowersFollow
156,477FansLike
2,430FollowersFollow
5,835FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!