Sunday, April 11, 2021

Wakiilada Beesha Caalamka oo Rooble kala hadlay qabanqaabada Shirkii Wadatashiga ee Doorashada

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shir khadka Zoom-ka kula yeeshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Doorashada, is-mari waaga ka taagan shirkii wadatashiga madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada iyo qoddobo kale, iyadoo dadaal loogu jiro sidii xal looga gaari lahaa xaaladda ka taagan Doorashada iyo qabashada shirka wadatashiga ee Doorashooyinka.

Waxaa socda dadaal xoog leh oo Beesha caalamka ugu jirto in shir la isugu yeero madaxda Dowlad Goboleedyada, kaasoo la doonayo inuu isugu yeero Maxamed Xuseen Rooble oo qaadan doona kaalintii Farmaajo, shirkaas oo lagu wado inuu ka dhaco xarunta Xalane, balse dowladda federaalka ay dooneyso in lagu qabto magaalada Baydhaba.

Ad

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa shaaciyey in kulanka Rooble iyo wakiilada Beesha Caalamka looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo.

Waxaa shirka Wakiilada Beesha Caalamka iyo Rooble ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay is-fahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

156,477FansLike
2,430FollowersFollow
5,835FollowersFollow
156,477FansLike
2,430FollowersFollow
5,835FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!