Waxaa gebi ahaan fashilmay dadaallladii lagu doonayey in lagu qanciyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo Hirshabeelle si ay kaalintooda uga qaataan xal u helidda khilaafka ka taagan Doorashada.
Shirar ay si kala gaara iyo si guud ula yeesheen musharixiinta Mucaaradka, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa wax guul ah laga gaari waayey, kadib markii Axmed Cabdi Kaariye, C/casiis Xasan Maxamed iyo Cali Guudlaawe Xuseen ay qaateen tallooyinka madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, una hogaansameen rabitaankiisa.
Qoorqoor oo ugu debcsanaa, mararka qaarkoodka shaki gelin jiray Farmaajo iyo taageerayaashiisa ayaa lagu bartay inuu isbedelo mar kasta metelo dhexdhexaadin iyo nabaddoonimo, laakiin waxay wax kasta isbedelaan marka ay is arkaan Farmaajo.
Rajadii laba qabay Axmed Qoorqoor ayaa soo idlaatay markii ay arrintu gaartay in la qabto shir ay yeeshaan shanta madaxweyne maamul Goboleed iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, markaas oo madaxweyne Farmaajo uu soo farageliyey, sidaasina uu ku fashilmay rajadii ugu danbeysay ee horumar laga gaaro wadahadalka ka socda Muqdisho.
Cali Guudlaawe iyo C/casiis Laftagareen ayaa la sheegay inaysan qaadan wax go’aan ah oo shaki gelin kara Maxamed Farmaajo, iyagoo xitaa ka baaqsaday inay si gaara ula kulmaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Qodobka ugu darran ee ku qasbaya saddexda madaxweyne maamul Goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed ayaa lagu sheegay inuu yahay jiritaankooda siyaasadeed oo ku xiran Madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayna ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin.
Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo intooda badan ay isku beel yihiin madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa laga soo xigtay ku guuldarreysteen inay ku qanciyaan labadaas madaxweyne inay kaalintooda qaataan oo qeyb ka noqdaan xalka looga gudbayo khilaafka Doorashada.