Wednesday, June 25, 2025

XOG: Maxaa sababay in Goobta Doorashada Madaxweynaha laga wareejiyo Xarunta Jen. Kaahiye..?

Wararka laga helayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xaruntii la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha  la bedelay.

Xarunta Dugsiga Sare ee Booliska Gen. Kaahiye ayaa hore loogu diyaariyay inay ka dhacdo doorashada iyadoo hore loogu qabtay dhaarintii xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta keentay in xarunta Jen. Kaahiye laga wareejiyo doorashada madaxweynaha, waxaana la sheegay inay sabab u yihiin arrimo dhinaca ammaanka ah iyo musuqmaasuq ay sheegeen musharixiinta inuu ka dhici karo xarunta.

Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud – Taliyaha ciidamada Booliska

Warar kale ayaa sheegaya in musharixiinta xilka madaxweynaha ay dalbadeen in xaruntaasi laga wareejiyo doorashada iyagoo ku dooday in ammaankooda aysan ku haleyn karin, isla markaana ciidamada booliska aysan dhexdhexaad ahayn.

Waxay ku eedeeyeen taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xaamud inuu u xaglinayo inuu u janjeero mid ka mida musharixiinta, iyadoo aan suuragal ahayn in lagu aamino ammaanka doorashada iyo bed qabkeeda.

Arrimahaas oo dhan iyo faragelin ay ku sameeyeen xaaladda wakiila beesha caalamka ayaa keenay in loo wareejiyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho dhexdiisa xarun ku taallo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON