Monday, June 23, 2025

XOG: Musharixiinta Mucaaradka oo diiday inay Madaxtooyada Somaliya u tagaan Kulan uu dalbaday Rooble

Waxaa maanta la qabanqaabinayaa shirkii labaad oo ay leeyihiin Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha .

Shirkan waxaa dalbaday Rooble, isagoo ku casuumay Musharixiinta inay kulan qado ah ku yeeshaan Xaruntiisa Madaxtooyada Soomaaliya, laakiin waxaa arrintaasi ka cudurdaartay Midowga Musharixiinta , taasoo keentay in shirka loo wareejiyo Hotelka Decale ee gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble oo shalay kulan xasaasi ah la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa qorsheynaya inuu kulan isugu yeero Madaxda Maamul Goboleedyada si loo dhammeystiro heshiiskii Doorashada ee Guddiyada Farsamada ku gaareen magaalada Baydhaba.

Ad

Kulanka Maanta ee Roobe iyo Midowga Musharixiinta ayaa looga hadlayaa, arrimo ay ka mid yihiin kaalinta Midowga ee Doorashada, shirka lagu wado inuu ka dhaco Xalane iyo sidii looga gudbi lahaa xaaladan, halka musharixiinta ay doonayaan inay qabtaan bannaanbixii dib loo dhigay.

Beesha Caalamka ayaa dooneysa in ilaa 10 Maarso la dhameystiro heshiiska Guddiyada farsamada Doorashooyinka ku gaareen magaalada Baydhaba, laguna dhawaaqo jadwalka doorashada si aanu dib u dhac kale u imaan, waxaase ka horeeya in lag laga gaaro qodobo waaweyn oo ku xiran Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON