Wararka laga helayo ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay bilaabeen mooshin loogu yeerayo inuu Baarlamaanka hor yimaado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Xildhibaannadan ayaa ka carooday hadal dhowaan kasoo yeeray Guddoomiye C/raxmaan Cumar Cismaan oo ku saabsanaa inuu ka shaqeyn waayey xildhibaannada Baarlamaanka oo xafiiskiisa tuban yihiin, taasoo ay ka gilgisheen xildhibaanno badan.
Mooshinka oo bilow ah ayaa ku saabsan shirka ugu horeeya ee Baarlamaanka looga yeero guddoomiyaha Gobolka Banaadir si uu caddeyn uga bixiyo ihaanada uu kula kacay xildhibananda, waxayna arrintaasi keentay inuu cudurdaar bixiyo maanta Guddoomiye Yariisow. [Akhriso Warkan]
Inkastoo aanay xildhibannada Federaalka wax shaqo ahayn ku lahayn arrimaha Gobolka Banaadir ayaa haddana mararka qaarkood ay isku dhacaan labada dhinac, laakiin Guddoomiye Yariisow oo ay olole ku wadaan kaaliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya qaarkood ayaa lagu tilmaamaa mas’uul jilicsan.