Tuesday, September 21, 2021

XOG: Qoorqoor iyo Lafta-gareen oo ku biiray Waanwaanta laga dhex wado Farmaajo iyo Rooble

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug iyo K/Galbeed ayaa ku biiray waanwaanta laga dhex wado madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoorqoor iyo Lafta-gareen ayaa maanta kusoo laabtay Muqdisho iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan cidda ugu yeertay inay ka qeyb qaataan qaboojinta xiisadda siyaasadeed, ayaa haddana la sheegay inay kulamo kala gaara la yeesheen labada mas’uul.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in qorshaha ay wadaan ee heshiis la dhex dhigo Farmaajo iyo Rooble uu salka ku hayo in meesha laga saaro Agaasimeyaasha labada dhina kala magacaabeen ee Jen. Bashiir Goobbe iyo Col. Yaasiin Fareey, lana helo shaqsi ay labada dhinac isku raaci karaan.

Ad

Qorshahan ayaa la sheegay inuu horeba diyaar ugu ahaa Farmaajo, laakiin Ra’iisal wasaare Rooble uu ka biyo diiday, waxaana dadaalka socda uu yahay in laga gudbo is-mari waaga ka taagan hoggaanka NISA.

Culeys dhinacyo kala duwan uga yimid Maxamed Farmaajo oo ay ugu danbeysay Beesha Caalamka ayaa ku qasbay inuu u yeero madaxda maamul Goboleedyada uu taageersan si ay ula heshiisiiyaan Ra’iisal wasaare Rooble.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,854FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,853FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!