Sunday, July 6, 2025

XOG: Qorshihii Dowladda Somaliya ee Doorasho ka bilaabata Saddex maamul Goboleed oo fashilmay

Is-mari-waaga Doorashada dadban ee 2021 ayaa weli taagan iyadoo dowladda Federaalka ay ku fashilantay Qorshaheedii ahaa in Doorashada Aqalka Sare ay ka bilaabato saddexda maamul Goboleedyada taageersan.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu shaqeyn waayey qorshahan oo doorashada Aqalka Sare ugu horeyn uga bilaaban lahayd maamulka Koonfur Galbeed, kadibna ay qaban lahaayeen Galmudug iyo Hirshabeelle sida uu qorsheeyay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo; taasoo ay ugu wacan tahay in madaxweyne C/casiis Lafta-gareen uu ka cago-jiiday.

Cadaadis uga yimid Beesha Caalamka, xaaladda ka taagan Gobolka Bakool iyo dalab ay u fulin waayeen Madaxda Dowladda ayaa keenay inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed dib uga noqdo ballanqaadkiisii ahaa inuu bilaabo doorashada Aqalka Sare inta u dhaxeysa 15-22-ka Janaayo 2021.

Wadahadallo iyo waanwaan ay wadeen wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhammaan dhinacyada dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada lagu wargeliyey inaan la qaban karin doorasho aan heshiis lagu wada ahayn, waxaana cocda dadaal loogu jiro kulan la isugu keeno Madaxda Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedyada, kaasoo ay ka caga-jiideyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Maamul Gooleedyada taageersan dowladda Federaaka ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa mid kasa waxaa heysa xaalado adag oo ka taagan maamulladooda, waxaana meesha ka baxay Doorashadii uu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay garab taagan yihiin Madaxdaasi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON