Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku adkeystay inuu Dacwad kusoo oogayo madaxweynaha waqtigiiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Rooble ayaa go’aankan u sheegay xubnaha Golaha Wasiirada shirkii habeenkii Jimcaha ay yeesheen ee laga soo saaray cambaareynta Afgenbigii fashilmay ee xarunta Golaha Wasiirada 27-kii Disembar 2021 iyo Guddi baaritaan oo loo saarayo.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul ugu sheegay Golaha wasiirada inuu Farmaajo iyo ciddii ku lug lahayd afgembiga la tiigsanayo sharciga, wax kasta oo ay ku qaadato, lana tegi doono Maxkamadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Rooble ayaa xalay magacaabay Guddi ka kooban shan wasiir oo soo baaraya wixii 27-ka Disembar ka dhacay xarunta Madaxtooyada oo lagu tilmaamay afgembi, markii laga hor istaagay inuu tago xafiiskiisa.
Afhayeenka Farmaajo ayaa beeniyey inay jireen ciidamo Ra’iisal wasaare hor istaagay, laakiin wuxuu sheegay in Rooble loo heysto kiisas, shaqadana laga joojiyaym inkastoo wareegtadaasi shaqeyn weyday.