Tuesday, July 1, 2025

XOG: RW Rooble iyo Guddiga FEIT oo ku fashilmay ka hortagga kursiga loo xiray Daahir Jeesow

Akhriso: Kursiga ay tartankiisa fureen Maamulka Hirshabeelle iyo labada Kursi ee loo xiray xubno gaara

Guddiga Heer Federaal ee Doorashada 2022 iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku fashilmay dadaal ay doonayeen inay ku hor istaagaan doorashada kursiga loo xiray Daahir Amiin Jeesow oo ka mid taageerayaasha Farmaajo.

Guddiga FEIT ayaa xalay soo saaray qoraal uu ku hakiyey doorashada saddexda kursi ee maanta ka dhaceysa magaalada Beledweyne oo kala ah: HOP010, HOP030 iyo HOP066, waxayna xalay xilli dambe wax yar ka hor aadaankii salaadda subax haddana shaaciyeen inay fasaxeen kuraastaasi.

Qorshaha ugu weyn ee FEIT oo ku xiran Xafiiska Rooble ayaa ahaydi nay joojiyaan kursiga HOP030 oo maamulka Hirshabeelle ay u xireen inuu dib ugu soo laabto Daahir Amiin Jeesow oo hore ugu fadhiyey, kaasoo taageero ka helaya Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Maamulka Hirshabelle ayaa laba kursi oo ka mida kuraasta maanta lagu dooranayo Magaalada Beledweyne ka dhigay kuwo xiran oo dad gaara kusoo baxayaan.

HOP030: Waxaa kusoo baxaya Daahir Amiin Jeesow oo hore ugu fadhiyey, isagoo taageero ka helaya kooxda Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxaana uu la yimid musharax malxiis u ah oo lagu magacaabo Cali C/llaahi Xeefow.

HOP010: Kursigan isna waa kursi loo xiray musharax taageero ka heysta Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Gureey, kaasoo kusoo bixi doona kursiga.

HOP066: Waa kursiga kaliya ee laga dhigay mid furan, waxaana doorashadiisa ku tartamaya musharixiin ay ugu cadcad yihiin: Cabdi Dahir Gure (Karoore) iyo C/risaaq Cabdalla, waxaa kaloo u tartamaya Cumar Cismaan Riingo.

Madaxda Hirshabeelle ayaa kooxda Farmaajo usoo saaray in ka badan 10 xildhibaan oo uu ku jiro agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxaana weli socda xildhibaannada loo soo saarayo kooxdaasi oo saameyn weyn ku leh madaxda Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON