Wednesday, June 25, 2025

XOG: Shirkii Wadatashiga oo lagu qabanayo Afisyoone iyo Farmaajo oo lagu cadaadiyay Shuruudihii…

Beesha Caalamka ayaa ku jirta dadaalkii ugu danbeeyay ee qabanqaabada shirkii wadatashiga madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo lagu saxiixayo heshiiska khilaafkii Doorashada 2021.

Shirka lagu saxiixayo heshiiska oo ah qodobadii ay diyaarisay Beesha Caalamka ayna isla meel dhigeen Guddiyadii farsamada ayaa lagu cadaadisay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu ka qeybgalo shirka ka dhacaya Xarunta Afisyoone ee doorashadiisu ka dhacday, taasoo ahayd mid ka mida shuruudihii ay la yimaadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Shirka intiisa badan waxaa ku metalaya Farmaajo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, waxaase la sheegay inuu ka qeybgeli doono saxiixa heshiiska lagu aadayo doorashada oo beesha caalamka ay markan door ku yeelaneyso.

Qodobka kale ee Beesha caalamka wado ayaa ah in Midowga Musharixiinta ay shirka uga qeyb galaan si goobjoognimo ah, arrintaas oo uu ka hor yimid Farmaajo, halka kaalinta ay qaadaneyso beesha caalamka aan weli la isku waafaqin.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu Jimcaha ama Sabtida ka furmo Afisyoone, iyadoo ay ammaanka sugayaan ciidamada AMISOM iyo Booliska, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ay degi doonaan Gudaha Xalane oo Q/Midoobay ay xarumo uga diyaarisay.

Waxaa Muqdisho ku sugan Madaxweynaha Hirshabeelle oo kaliya, waxaana la filayaa in aakhirka toddobaadkan ay Muqdisho soo gaaraan madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Puntland Siciid C/llaahi Deni, K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen iyo Galmudug Axmed Qoorqoor oo labada danbe ay safar dalka uga maqan yihiin.

Deni iyo Axmex Madoobe ayaa ku adkeystay inay Villa Somalia u tegi karin iyadoo Farmaajo aanu sharciyad heysan iyo amnigooda dartiis, waxaana shirka Afisyoone ka furmaya kadib lagu soo afjarayaa muranki hareeyay doorashada, iyadoo qaabka fulinteeda ay tahay caqabadda kale ee xalkeeda laga sugayo beesha Caalamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON