AKHRISO: C/raxmaan C/shakuur o noqonaya xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo fashilka Qorshihii saddex Geesoodka
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa lagu wadaa in Berri uu kusoo baxo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad Federaalka Soomaaliya, kadib dagaal siyaasadeed oo ay ku fashilmeen Farmaajo, Qoorqoor iyo C/casiis Lafta-gareen.
Kursiga HOP138 ayaa ujeedku ahaa in lagu soo saaro Wasiir ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo lagu magacaabo C/naasir Cabdi Caruush, waxana qorshahaasi isla waday Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi (Farmaajo) iyo Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis lafta-gareen iyadoo uu taageersanaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoorqoor) oo dhinaca kale ka waday Musharax Wasiir Cusmaan Ciise.
Qorshaha kursiga HOP138 lagu doonayey in lagu dhaafinayo C/raxmaan C/shakuur oo ahaa mucaaradka ugu weyn ee dowladdii uu hoggaaminayey Farmaajo ayaa u abaabulnaa si halis badan, laakiin waxaa ka adkaaday Odayaasha, ganacsatada iyo inta ay taladu ka go’do ee Jufada uu kasoo jeedo C/raxmaan C/shakuur awooddooda isugu geeyay inuu kursigaasi kusoo baxo, tartan adag la’aan.
Qorshihii Farmaajo, Qoorqoor iyo Lafta-gareen iska kaashanayeen ee ku wajahnaa C/raxmaan C/shakuur wuxuu dhicisoobay markii Beeshiisa ay u hiilisay, ayna tanaasuleen musharixiintii la tartami lahaa, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug uu sidoo kale fuliyey, una hoggaansamey qorshaha beesha.
Axmed Qoorqoor ayaa fashil culus kasoo gaaray maareynta kursigan ee looga hoos bixiyey, waxaana la sheegay inuu ka xumaaday qorshaha lama filaanka ah ee kursigaasi ugu gacan galay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Waxaa Berri kursiga HOP138 ku tartamaya C/raxmaan C/shakuur iyo haweeney Malxiis looga dhigay oo lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali, kadib markii jufadiisa siisay kursiga, ayna tanaasuleen raggii la tartami lahaa, sidaas ayuuna kusoo qaadan doonaa kursiga dagaalka badan lagu galay ee ku danbeeyay mucaraadkii ugu cuslaa rajimkiii Farmaajo.
Halkan ka akhriso qoraal uu Musharax C/naasir Cabdi Caruush ku tanaasulay, ugana haray kursiga HOP138:

“Bismillah! Ugu horreeyn waxaan u mahadcelinayaa bulshada iska leh kursiga lambarkiisu yahay HOP#138 sidii wanaagsaneyd ee ay ii garab istaageen muddadii aan musharaxa u ahaa kursigaas. Ka dib markii aan latashi la sameeyay saaxiibadii howshaas igu garab taagnaa, oo ay ku jiraan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee beesha si guud ahna iskula qiimaynay duruufaha ku meeraysan kursigaan.
Markii aan isla garannay in tanaasulku yahay waddada kaliya ee lagu yarayn karo khilaafka laguna xoojin karo fursadaha matalaad sax ah oo ay hesho beesha kursiga iska leh,Markii aan ku qancay in aanan qayb ka noqon wax khilaaf oo tartanka kursigaasi ku dhex reebo beesha.Markii aan tixgaliyay arrimahaas iyo kuwo kaleba, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigaas kana haro tartankiisa.
Waxaan rajeynayaa in doorashada kursigan ay ku dhamaato guul, odoyaasha loo xulay maamulidda kursigana in ilaaheey u fududeeyo waajibkooda shaqo.Guuleeysa reer HOP#138.
Wa bilaahi towfiiq.”


