Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan kaalinta madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku yeelan doono shirka ay beesha caalamka qabanqaabisay ee ka furmi doona xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Beesha caalamka ayaa fulisay laba shardi oo ka mida ahaa shuruudo ay soo bandhigeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam oo kala ah inuu shirku ka dhaco goob amni ah iyo inay kaalin ku yeelato Beesha caalaamka, laakiin waxaa harsan qodobo kale oo xasaasi ah.
Farmaajo ayaa cadaadis uga yimid beesha caalamka ku ogolaaday inuu furo shirka Afisyoone, kadibna uu soo xiro, laakiin wararka ayaa sheegaya in shirka uu si toos ah uga qeyb geli doona Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, taasoo aysan ku qanacsaneyn Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.
Waxaa mar kale mugdi la geliyay inuu Farmaajo tegi doono shirka Afisyoone iyadoo xubno ku dhow laga soo xigtay inuu shirka uga cudurdaaran doono xaalad la xiriirta cudurka Covid-19 darteed, isagoo doonaya inuu wakiil shirka uga noqdo Ra’iisal wasaaraha.
Qodobadda adag ee sugaya Farmaajo ayaa kala ah:
1- Inuu saxiixo qoraal uu ku caddeynayo in dalku galayo Doorasho, isla markaana xakameeyo awoodaha dowladda.
2- Inuu ogolaado inuusan saameyn ku yeelan Doorashada oo loo xil saaro xukuumadda iyo ciidamada Booliska oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM.
3- Iyo in Guddiyada Doorashada si mug leh loo bedelo, laguna daro xubno dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsneyn.
Arrinta ku saabsan in shirka laga qeyb geliyo saamileyda siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ayaan hadda muhiimad weyn lahayn, waxayna wakiilada Beesha Caalamka awoodooda isugu geynayaan sidii heshiis doorashada loo saxiixi lahaa, kadibna fulintiisa loo bilaabi lahaa.
Kaalinta Farmaajo ee shirka Afisyoone ayaa shaki badan hareeyay, waxaana xubnaha ku dhow ay sheegayaan inuusan dooneyn ka qeyb galka shirkaasi, taasoo haddii aysan beesha Caalamaka cadaadis ku saarin laga cabsi qabo inuu noqdo shir la mida shirarkii Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee fashilka kusoo dhammaaday.
