Wednesday, June 25, 2025

XOG: Yaa ka danbeeyay Qarixii Is-miidaaminta ee Xarunta G/Banadir, Yaase Fuliyey.?

Xog hordhac ah ayaa laga helayaa ciddii ka danbeysay qarixii shalay Galab ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ahaa is-miidaamin, kasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray mas’uuliyiin fara badan.

Xogta laga helay saraakiisha amniga iyo madaxda maamulka G/banaadir ayaa sheegaysa in qofka qaraxa fuliyey ee is-miidaamiyey ay ahayd Haweeney la socotay Gabar Indhoole ah oo Maamulka G/Banaadir u qaabilsaneyd arrimaha Naafarada ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba Basiira Cabdi Maxamed, iyadoo isu muujisay inay kaalmeyneyso haweeneyda Indhoolaha ahayd madaxa arrimaha naafada ugu qaabilsan Gobolka Banaadir.

Kooxda baarista wada ayaa kala garan waayey meydadka labada haween ee Basiira iyo haweeneydii kale ee la socotay, waxaan gebi ahaan jirka labada haween marka laga reebo madax kaliya oo loo maleeyay inuu yahay Basiira, waxaana markii danbe soo baxay suuragalnimada in haweeneyda la socotay Basiira ay baxsatay, qaraxana ay waday Basiira, lakiin dhammaan arrimahaasi waxay muujinayaan jaha-wareerka ka jira baaritaanka iyo sida ay wax u dhaceen oo aan weli xaqiiqo cad loo helin.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Amniga Mohamed Tuulah oo aan isagu tegin shirkii Amniga ee shalay la qarxiyey ayaa laga soo xigtay in haweeneyda la tuhunsan yahay loo fududeeyay inay gasho xarunta maamulka G/banaadir, isla markaana baaritaan uu socdo si loo ogaado wixii dhacay. Xarunta Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd goobaha sida weyn loo ilaaliyo oo baaritaankeedu adag yahay, iyadoo aan jawaab loo helin sida qaraxan uga dhacay.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana afhayeenka howlgallada ururkaasi uu shaaciyey in weerarka ay la beegsadeen wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo xarunta Gobolka Banaadir shalay tegay, balse ka tegay saacad ak hor xilliga qaraxa uu dhacay.

Qaraxa laga fuliyey gudaha xarunta maamulka Gobolka Banaadir iyo hoolkii shirarka xaruntaasi xilli uu socday shir amniga ku saabsan ayaa loo arkaa dharbaaxo weyn oo ku dhacday dadaalkii amniga caasimadda ee dowladda Somalia ay muddooyinkii danbe sheegtay inuu soo hagaagay, waxaana qaraxan uu dhaliyay su’aalo badan oo ku saabsan sida loo sugo Amniga iyo qorsheyaasha Alshabaab oo aan lagu guuleysan in laga hortago.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON