Xoghayaha Gaashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in Soomaaliya ay ugu danbeyn leedahay madaxweyne u qalma in la taageero.
Isagoo saxafiyiinta kula hadlay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee Pentegonka ayaa Mattis sheegay in tallaabadan lagu hakiyay taageeradii Mareykanku siin jiray ciidamada Soomaaliya oo rajo ka qabo inay dhammaan doonto.
Wasiirka Gaashaanhigga Maraykanka ayaa bogaadiyey dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax kaga qabanayso musuqmaasuqa baahsan ee dalkaasi ka jira, isgoo jiray inay waqti qaadaneyso bedelista dhaqanka musuqa.
“Xiriir wanaagsan ayaa la leenahay Madaxweyne Farmaajo, waxayna u qaadeen tallaabooyin la-dagaallanka musuqmaasuqa, waxaanse jirta inay waqti u qaadaneyso ka mira-dhalinta bedelka dhaqanka musuqa. ugu danbeyn Soomaaliya waxay heshay madaxweyne u qalma in la taageero.” ayuu yiri Mattis
Mattis ayaa qiil u sameeyay dowladda Farmaajo oo uu sheegay inay xiriir wanaagsan leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya, basle dowladiisa ay dhaxashay xaalad qalafsan oo dhibaato badan.