Xukuumadda ma sheegin cidda weerarka ku heysa Rooble, laakiin waxay caddeysay inuu yahay mid sare oo saraakiil ciidan loo adeegsaday (Villa Somalia)
Xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa markii ug horeysay jawaab ka bixisay qorshe abaabulan oo dhan ah Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo lagu doonayo in lagu sumcad dilo.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla ayaa shir jaraa’id ka sheegay in abaabulka lagu ijaafeynayo Rooble ujeedkiisu yahay ka hortagga Doorasho dalka ka dhacda, isla markaana uu yahay mid heerkiisu sareeyo oo ay ku lug yeesheen saraakiisha ciidamada iyo kuwa rayidka.
“R’aiisul wasaare Rooble Doorasho ayuu ka shaqaynayaa taas ayaa ah sababta loo soo abaabulay dacaayadaha ka dhanka ah, waxaana haynaa caddaymo ku filan abaabulkaas oo aan xilligeeda soo bandhigi karno, balse hadda intaas u dhaafi maayo” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo aan farta ku fiiqin cidda wada ololaha lagu beegsnayo Rooble.
Wuxuu sheegay in arrintasi loo adeegsaday saraakiil iyagoo garaadihii ciidanka lebisan isku dayay inay ijaafeeyaan Ra’iisal Wasaaraha. “Waxaa nasiibdarro ah in Dacaayahadaha abaabulkooda loo adeegsaday Saraakiil ciidan iyo hay’adaha rayidka ah ee dowladda in Ra’iisal wasaaraha Qaranka lagu ijaafeeyo, iyadoo darajadii qaranka ay lebisan yihiin.”
Wuxuu ugu hanjabay in Sarkaal walba oo isku daya in uu ku dhax milmo arrimaha siyaasadda ee dalka, iskuna daya in uu xafiis gaar ah ugu adeego awooddiisa sarkaalnimo laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.
Arrintan ayaa soo shaac bixisay xiisada siyaasadeed ee mar kale ka dhex taagan xafiisyada Madaxweynaha xilku k dhammaaday Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaarha xilgaarsiinta Maxamed Rooble.
