Friday, July 4, 2025

Xukuumadda RW Rooble oo Amray in dib looga celiyo Ciidamada Farmaajo geeyay magaalada Beledweyne

Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda xilgaarsiinta ayaa maanta laga soo saaray go’aanno ku saabsan xaaladda magaalada Beledweyne.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga Dalka.

Ra’iisul Wasaarare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala Shaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.

“Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya

Golaha ayaa sidoo kale ka dooday cabsi gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la faray Wasaaradda Amnigu in ay qaaddo tallaabooiynka ku habboon.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa difaacay iidamadii shaley la geeyey magaalada Beledweyne, isgoo sheegay inay yihiin ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegey in Al-Shabaab ay halis ku yihiin amniga magaalada Beledweyne iyo qabsoomida doorashada la filayo in ay magaalada ka dhacdo. Waxa uu beeniyey in ciidamadan wax lug ama saameyn ah ku leeyihiin doorashada la filayo in magaalada Beledweyne lagu qabto dhowaan ee Golaha Shacabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON