Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ku saabsanaa inay labada dal ku heshiiyaan inay midoobaan.
Wasiirka oo faah faahin ka bixinayay heshiiskaasi ayaa sheegay inuu ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale, wuxuuna BBC-da u sheegay in heshiisku ahaa mid in mudo ah soo socday oo dowladihii midan ka horeeysay ay soo wadeen.
Isagoo ka hadlay hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada wadan laga dhigayo hal dal oo wax walba wada qeybsada ayaa in labada dal ay kala madax bannaan yihiin, balse ay isla gaareen heshiis ku dhisan wax is dhaafsi.
“Heshiiskani muddo ayuu soo socday, mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaa aad looga hadlay xiriirka dhaqaale ee labada dowladood, suuq macno leh ayaa halkan ka dhalanaya, waxaan kuu sheegi karaa inay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya.” Ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.
Waxaa muran weyn dhaliyey hadalka uu magaalada Adis ababa ka sheegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, iyadoo dood culus ay ka socoto baraha bulshada.