Tuesday, July 1, 2025

Yaa dilay Sarkaalkii Atooraha Badda..? Xubnaha ay Alshabaab sheegatay Dilkooda

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda lagu dsilay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo ay intooda badan sheegtay Alshabaab.

Alle ha unaxariistee, waxaa xalay lagu dilay xaafadda Taleex ee degmada Hodan, magaalada Cismaan Salaad Daahir oo loo yiqiin “Atooraha Badda Liido” waxaana dilkaasi geysatay koox Bistoolado ku huebsyan oo weerar ku qaaday Maqribkii.

Cismaan Salaad ayaa ahaa Isbatoore ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana uu ku caan baxay caawinta iyo u gar-gaaaridda dadka danyarta ah, dilkiisa ayaa si weyn looga falceliyey Baraha bulshada, isagoo ahaa qof caan ah.

Dilkiisu ayaa loo aaneeyay inay Alshabaab ka danbeeyeen sida la faafiyay; laakiin Alshabaab ma sheegan dilkiisa.

Afhayeenka Ciida,mada Booliska ayaa shaaciyey ciddii ka danbneysay dilka Cismaan Daahir, wuxuuna sheegay in dilkiisa uu qirtay nin saaxiib la ah oo lagu magacaabo Leeleefoow, kaasoo uu muran lacageed soo kala dhex galay.

Ninka dilka u geystay ayaa la shaqeyn jiray ‘Atooraha Badda’ waxaana isku maandhaafeen lacag dadka muxsiniin ah ay soo direen oo dhan 60 kun oo Dollar, kadibna sidaasi lagu dilay Cusman Atoore markii ay uu dagaal dhex maray dagaal loo adeegsaday Mindi iyo Bistoolad.

Ninka Dilka geystay ayaa wacay Booliska, una sheegay in la dilay ‘Atoorihii Badda’, isagoo dadka ku marin habaabiyey inay Alshabaab dileen. Gacan ku dhiigelaha ayaa hadda gacanta lagu hayaa, waxaana xiray Booliska.

Dhinaca kale Alshabaab waxay sheegteen inay xaafadda Xaawo Taaako, degmad Wadajir ee magaalada Muqdisho xalay ku dileen Cali Xasan Kulmiye (Cali Malaay) oo ka tirsana ciidamda dowladda.

Sidoo kale waxay Alshabaab sheegtay inay ddegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ku khaarihisay sarkaal ka tirsanaa ciidmada dowladda oo lagu magacaabi jiray Siidow Xasan Deerow.

Bishii Ramadaan waxaa sii kordhay falalka beegsiga saraakiisha ciidamada dowladda oo Alshabaab ay ka fuliso Caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON