Wednesday, July 2, 2025

Yaa ka danbeeyay Kulanka ay yeesheen Famaajo iyo Rooble, maxaase kasoo baxay..?

Waxaa kulan fool ka fool ah xalay yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Raiisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan oo yimid kadib in muddo ah oo labada dhinac ay ku kala tageen fashil ku yimid waanwaantii laga dhex waday, ayaa mar kale lagu guuleystay in si toos ah la isu horkeeno, waxaana arrintaas fududeeyay madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Farmaajo oo cadaadis kala kulmaya dowladda Mareykanka uu madaxweynaha K/Galbeed u soo maray si uu kulankan u dhaco, loona muujiyo inay socoto waanwaan iyo xalinta khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaare Rooble.

Kulanka ayaa la sheegay inay si hoose saameyn ugu leedahay dowladda Qatar, iyadoo is-aragii ugu horeeyay uu ahaa is arag iyo is wareysi lagu dejiyey xiisadii u dhaxeysay labada nin, isla markaana aanay kasoo bixin wax heshiis ah, balse lagu ballamay in kulamo kale ay yeeshaan labada dhinac, si xal looga gaaro arrimaha ay isku hayeen labada mas’uul.

Farmaajo iyo Rooble ayaa si weyn ugu kala duwan awoodaha dastuuriga ah iyo maamulka Hay’adda NISA oo mid waliba uu doonayo inay hoos timaado.

Ujeedka ugu weyn ee Farmaajo ayaa ah inuu difaaco agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, halka Rooble doonayo in cadaalad loo helo kiiska Ikraan Tahliil oo ah gabar ka tirsaneyd hay’adda NISA oo lagu tuhunsan yahay madaxda hay’adaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON