Mid ka mida laba musharax oo ku qornaa kursi ka tirsan Aqalka Sare oo la filayey in Berri lagu doorto magaalada Kismaayo ayaa la waayey, kadib markii uu iska diiwaan gelin waayey Guddiga Doorashada Jubbaland.
Qoraal ay Guddiga Doorashada Jubbaland ee Heer Dowlad Goboleed u direen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay uga dalbadeen inuu soo magacaabo xubin kale oo ku tartanta kursiga, kadib markii uu musharax Cali Maxamed Cali oo la tartami lahaa Musharaxa kale ee Xasan Dahir Yarow uu ka baaqsaday inuu is-diiwaan galiyo maanta.
Saacad kadib waxaa qoraal kale kusoo jawaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo musharax cusub kusoo bedelay musharixii hore ee is-diiwaangelin waayey, qoraal cuusbna u diray Guddiga Doorashada Jubbaland.
Gudiga Doorashada Jubbaland ayaa goor dhoweyd shaaciyey in Madaxweynaha Jubbaland oo uu soo gudbuyey musharaxa lagu badalayo Cali Maxamed Cali oo iskii uga haray ka qayb galka tartanka kuraasta Barlamaanka Aqalka Sare, wuxuuna kusoo bedelay Musharax cusub oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen Cali oo hadda la tartami doona marka la diiwaangeliyo kadib Musharax Xasan Daahir Yarow.
Wararka aya asheegaya in musharixii hore uu tartanka uga haray arrimo u gaara, isgoo markii hore ahaa qof loogu taloglaay inuu tanaasulo marka ay doorashadu shaceyso.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddiga Doorashada Jubbaland u qoray Madaxweynaha Jubbaland
Ku: Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland.
Og: Guddoonka Baarlamaanka Jubaland
Og : Guddiga doorashooyinka Baarlamaanka Jubaland.
Og: Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal (FEIT).
Ujeedo: Soo Jeedin
Tixraacaa warqadda sumaddeedu tahay XM/DGJS237/2021 Kuna taariikheysan 19.Okt. 2021 ee Xafiiska Madaxweynaha Jubaland oo guddiga SEIT Jubaland loogu soo gudbiyay Liiska musharaxiinta afarta kursi oo ahaa 8 Xubnood.
Haddaba maanta, 20/10/2021 waxay guddigu ebyeen 7 ka mid ah liiskaas ku qornaa warqadda kor ku xusan. Haddaba Mudane Madaxweyne, Waxaan ku ogeysiinayaa inuusan Cali Maxamed Cali oo Liiska kor ku xusan kula qoraa Xasan Dahir Yarow uu ka baaqday kasoo qaybgalka diiwaan galintii maanta ka dhacday Xafiiska SEIT Jubaland.
Sidaa daraadeed waxaan si xushmad leh usoo jeedinayaa inaad ku soo badasho qof kale waqtiga ku haboon.

