Monday, June 23, 2025

Yaa ka danbeeyay Shirqoolkii lagu dilay Sheekh Cali Dheeri-hii Galmudug ee ka dhacay Gaalkacyo..?

Xaalad halis ah ayaa ka dhalatay dilka Sheekh caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo oo 11-ka May 2021 meydkiisa laga helay degaanka ‘Xero Jaalle’ ee dhinaca Galdogob ka xigta magaalada Gaalkacyo.

Dilkan oo si fool xun u dhacay ayaa lagula kacay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo markii laga afduubtay Koonfurta Gaalkacyo kadib la dilay, laguna tuuray degaan 15KM u jira halkii uu ku noola; wuxuuna sheekhu ahaa samafale muddo dheer ka shaqeynayay taakuleynta Agoonta iyo samafalka.

Waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay banaanbaxyo looga horjeedo dilkiisa, iyadoo dilkiisa lagu sheegay mid abaabulan oo dhinaca Hay’ado dowladeed lagu tuhmayo, kadib markii muddooyinkii danbe Sheekha baaritaan lagu hayey; waxayna helekiisu diideen in la aaso.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) lagu xiray bishii April xerada ciidamada Danab, iyadoo xarigaasi ay ka dambeeyeen Guddiga Amniga Gobolka Mudug, ayna su’aalo weydiiyeen Hay’adda Denbi baarista Booliska, Qeybta Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.

Sheekha ayaa muddo kadib lasoo daayey, balse uu weli baaritaanku ku socday, wuxuuna madaxda Gaalkacyo la wadaagay in hanjabaad lagu hayo oo xaaladiisa ay halis ku jirto, lagana heysto telefoon uu ka maamulo dhaqaalaha Agoonta; waxaana tuhunka dilkiisa dulsaaran yahay hay’adaha raacsan dowladda Federaalka ee ka howlgala Gobolka Mudug, siiba Hay’adda CID-da oo xiriirkii ugu danbeeyay Sheekha la lahaa oo daba joogay.

Arrinta la-yaabka noqotay ayaa ah in Meydka Sheekha la geeyay degaan u dhow degmada Galdogob, taasoo lagu sheegay in ujeedka laga lahaa ay ahayd in dilka sheekha uu dhaliyo dagaal qabiil oo ka qarxo Gaalkacyo; iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu dilku ahaa mid salka ku haya qaab qabiil, taasoo ay meesha ka saareen culimada iyo odayaasha kasoo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo.

- Advertisement -

Askari ka tirsan ciidamada Booliska ayaa la baadi goobayaa, kaasoo la sheegay in lagu tuhusan yahay dilka Sheekha, wuxuuna ka mid ahaa askartii qeybta ka ahayd baaritaanka Hay’adda CID-da ee u xil saaranaa Sheekha, kaasoo baxsaday, lana baarayo ujeedka uu ka lahaa falkan.

Waxaa magaalada Gaalkacyo shalay gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliya, iyagoo culeys saaraya sidii loo dardar gelin lahaa baaritaanka dilka Sheekh Cali Dheere.

Kiiska dilka Sheekh Cali Axmed Faarax ee sida weyn u gilgilay magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida kiisas dhowr ah oo magaaladaasi ka dhacay, laakiin waa kii ugu saameynta badnaa, waxaana laga sugayaa dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug inay soo bandhigaan ciddii dilka Sheekha ka danbeysay.

Marxuumku wuxuu ahaa samafale lagu yaqaanay u adeegidda bulshada gobolka Mudug, asagoo ahaa maamulihii guud ee jamciyadda Imaam Nawawi gobolka Mudug, gacantana ku haayay agoon fara badan barbaarintooda, xanaanayntooda iyo waxbaristooda.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON