Friday, June 27, 2025

Yaa kusoo baxay Kursigii Golaha Shacabka ee laga xayiray C/weli Muudey..? (Akhriso)

Waxaa maanta magaalada Baraawe ka dhacday Doorashada Kuraas ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa kursiga HOP145 oo laga xayiray guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Baarlamaankii 10-aad.

Maxamed Cabdalla Axmed ayaa maanta kusoo baxay doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP145, kaddib markii uu helay 76 cod, halka musharraxii la tartamayay oo ahaa Cabdullahi Axmed Cabdi uu helay 12 cod.

Kursigan ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdiweli Ibraahim Muudeey isaga oo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka hor-istaageen safar uu ku tagi lahaa degmada Baraawe, si uu ugu tartamo doorashada kursigan. (Halkan ka Akhriso)

Ninka kusoo baxay ayaa lasii ogaa inuu kursigan kusoo baxayo, iyadoo uu u xiray madaxweynaha K/Galbeed, waxaana saameyn ku lahaa Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo isna raba inuu Beledweyne kasoo qaato kursiga HOP086.

Muudeey ayaa is-hortaaga lagu sameeyey ku tilmaay mid sharciga baal marsan, laakiin booliska Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay in sababta garoonka Aadan Cadde looga celiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Muudey ay aheyd isaga oo watay ciidammo ka badan kuwa sharci ahaan la oggolyahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON