Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar CusmaanYarisow ayaa maalmihii ugu danbeeyay bilaabay olole nooc cusub ah oo uu ku doonayo inuu ku difaaco qorshe socda oo ku saabsan in xilka looga qaado.
Guddoomiye Yariisow ayaa Gobolka Banadir ka bilaabay shirar ku isu soo baxyo si aan hore loo arag loogu taageerayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna ku dhaqaaqay tallaabooyin aad loola yaabay oo baraha bulshada si weyn looga dooday.
Tallaabadii ugu horeysay ayaa ahayd in xafladii furitaanka kalfadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu isugu geeyay boqolaal haween ah oo laga soo ururiyey degmooyinka G/Banaadir, kuwaasoo sitay boorar uu ku sawiran yahay madaxweyne Farmaajo, taasoo lagu tilmaamay arrin ku cusub dhaqanka siyaasadda iyo kalfadhiyada Baarlamaanka.
Tallaabadii xigtay ee Yariisow ku dhaqaaqay ayaa noqotay inuu abaabulo shirar wareegyo ka dhacaya xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir oo lagu taageerayo madaxweynaha Soomaaliya iyo nabadeyntii uu ka sameeyay dalalka Geeska Afrika, iyadoo la isugu keenayo dadweyne caruur iyo haween u badan, wuxuuna shirkii ugu danbeeyay ka dhacay xarunta degmada Wardhiigley.
Guddoomiye Yariisow aya sidoo kale baraha bulshada iyo warbaahinta taageerta ku harqiyey qoraallo lagu taageerayo siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ee IS-XILQAAN iyo kaalintii uu ka qaatay nabadeynta Geeska Afrika, arrintan oo badan ku tilmaameyn guulwadeyn iyo dadaal uu xilkiisa halista ku jira ku ilaashanayo.
Qaar ka mida dadka baraha bulshada sida weyn ugu naqdiyay tallaabooyinka Yariisow hoos ka akhriso:
“Walaaloow sidaan daacad miyay kaa tahay? War wadooyinkii waa wada mugdi Nalalkii Soolarka badankood ma shaqeynaayaan, Amni ma jiro maalin iyo habeen dad shacab ah ayaa wadooyinka iyo suuqyada lagu dilaa, Caafimaad iyo waxbarasho lacag la’aan ma jirto, marka Su’aashayda waxay tahay Aaway mas’uuliyadii ku Saarneed? Maxaadse lagu Qabtaa Canshuurta Gobolka Banaadir?” [Ladan Axmed Cali ]
**********
Alle halaga baqo ma ahan masuuliyadnimada in malin walbo
La isku sawero dad hadna wadankii aan waxba lo qabanaynin
Qaraxna joogto yahay mudane gudoomiye mahan inaan u hadlaayo inaan lid ku ahay dowladnimada eee waxan la yabaaa masuliyinta somalida in uu masuuliyada qaado aad u jecelyihiin balse waxba aan lo qabanaynin umadii somaliyeed [Yahye Ismail ]**********
“Aniga kama soo horjedo dowlada wan tagersanahay lkn waxan kaso horjedaa yariisow wayo howshiisa looma bogin wa laga soo cawadaya shaqalihi qata katagan yhn marka aderow umada been ha ushegi gobolka benadir inta adiga gacanta ku haysid hormar lagama sugaye booska iska banee wan ku dhibsanee farmaajo waxan ka codsanayna hadii aa nahay shacabka somaliyed inuu ninkan naga hor warejiyo (Wiilka Qaranka Somaliyeed)”
**********
“Gobalka banaadir wax uqabo shaqada Madaxweynaha faraha kla bax wasaqda gobalka banaadir taala ka nadiifi wadooyinka dhis [Yaya Ãœpđýwali Moha]”
**********
 GAWARIDA QAALIGA AH EE XABADA KARIN AYAA KU RAAXEESATAA EE ISLAAMANKA IYO ILMAHA BEN HA USHEEGIN YES MEN KOOW (Muhiadiin Ali)
**********
Alle halaga baqo ma ahan masuuliyadnimada in malin walbo
La isku sawero dad hadna wadankii aan waxba lo qabanaynin
Qaraxna joogto yahay mudane gudoomiye mahan inaan u hadlaayo inaan lid ku ahay dowladnimada eee waxan la yabaaa masuliyinta somalida in (Daahir Haaji)Â