Kulankii labaad ee Ra’iisal wasaaraha xukumadda xilka sii heysa iyo Midowga Musharixiinta ee 1-da Maarso 2021 ayaa lagu magacaabay Guddi soo baaraya dhacdooyinkii 19-ka Febraayo 2021.
Guddigan oo lagu sheegay inuu madax bannaan yahay ayaa kala socda dhinacyada Dowladda iyo Musharixiinta, waxaana ka dhex muuqda saraakiil xilal ka heysa hay’adaha Amniga iyo kuwo hore oo mucaaradka la safan, waxayna kala yihiin:
XUBNAHA KA SOCDA DOWLADDA
1- Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), waa agaasimaha Hay’adda Dhismaha Soomaaliyeed iyo la-taliyaha Farmaajo, isagoo hore ugu soo noqday Taliyaha ciidamada Asuubta.
2- Col. Maxamed C/qaadir Xaaji: Waa Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir, wuxuu ku xigeen u yahay Saadaq Joon oo ku xiran Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.
3- G/Dhexe Yaasiin C/llaahi Maxamud: Waa Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ee Gobolka Banaadir, wuxuuna hoos agaa Agaasimaha NISA.
XUBNAHA KA YIMID MUSHARIXIINTA
4- Jen. C/raxmaan Maxmed Tuuryare: Waa Taliyihii hore ee Hay’adda NISA, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
5- Gen. Maxamed Cali Bariise: Waa taliye ku xigeenii hore ee ciidamada xoogga dalka oo uu si dedega xilka uga qaaday Farmaajo markii uu magacawnaa muddo 5 bilood ah (AKhriso).
6- Xuseen Macalin Maxamud: Waa La-taliyihii hore ee Amniga Madaxweynayaasha Xasan Sheekh iyo Bilihii ugu joreeyay Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna madax ka yahay Hay’adda Cilmi baarista ee Hiraal, isagoo ka mida Aqoonyahanadda sida weyn u dhaliila maamulka Farmaajo.
Lama oga sida xubnahan ay u noqon karaan Guddi madax bannaan, una soo bandhigii karaan xaqiiqada iska hor imaadyadii dhacay 19-kii Febraayo ee dhiigga ku daatay, iyadoo qaarkood ay ka mid yihiin Hay’adaha Amniga ee hadda jira, qaar kalena si weyn uga horjeedaan madaxda dowladda xilligeedu dhammaaday.
