Sunday, June 22, 2025

Sidee Mahdi Guuleed ula wareegay Kursigii uu Sanadaha badan ku fadhiyey xildhibaan Xuseen Carab..?

Qorshihii loo degay ee keenay inuu awood qeybsi ahaan uga haro kursigii uu 9-ka sano ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa la filayaa inuu si fudud ku noqon doono xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu awoodiisa u adeegsaday inuu si farsameysan kursiga ugala wareego wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladii KMG ah ee Sheekh Shariif Xuseen Carab Ciise oo kursigan ku fadhiyey muddo 9 sano ah (baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad).

Ad

Qorshaha Mahdi Guuleed kursigan oo tirsigiisu yahay HOP239 kula wareega a yaa yimid kadib markii uu Senatoorada Aqalka sare kusoo baxay oday ay isku jufo yihiin xildhibaan Xuseen Carab Ciise, kaasoo ah Axmed Colaad Digale (Abwaan Qorane), waxayna arrintaas meesha ka saartay in Xuseen Carab heli karo kursigii Golaha Shacabka.

Xuseen Carab Ciise oo hore uga mid ahaa Xisbiya Himilo ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ayaa ka mid ahaa xildhibaanno sheegay inay ka baxeen xisbigaasi, wuxuuna hadda yahay siyaasi cidlo taagan oo aan isbaheysi lahayn, waxayna doodiisa kusoo ururtay in jufadiisa inuu kursigii jufadiisa ee Golaha shacabka boobay Ra’iisal wasaare ku xigeenka.

 December 22, 2016 ayaa mar kale Xuseen Carab Ciise loogu doortay Kursiga Golaha Shacabka Beesha Ciidagale, Baha Duqsi, isagoo markaas helay 47 cod, taasoo ahady doorasho uu isagu abaabushay.

- Advertisement -

Waxa isla sidii uu kusoo baxay shan sano ka hor la filayaa in lagu doorto xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo marna ah Ra’iisa lwasaare ku xigeen, marka kalena awood qeybsi ahaan ku khaarijiyey ninkii ugu adkaa ee ka hortagnaa inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON