Odayaasha dhaqanka ee Koonfurta Soomaaliya, kana soo jeeda Beelaha Hawiye, Digil iyo Mirifle ayaa gaaray magaalada Hargeysa, kadib in muddo ah oo maamulka Muuse Biixi ee Somalialnd uu diidanaa socdaalkooda.
Odayaashan oo hore u tegay magaalada Laascaanood ayaa waxaa hoggaaminaya Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxayna la sheegay in safarkooda oo ay si hoose u qabanqaabisay Dowladda Federaalka uu taageerayo Mareykanka.
Waxaa kaloo odayaasha ka mida: Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nur, Suldaan Warsame Suldaan Ibrahim Suldan Aliyow Ibrow, Ugaas Cabdiraxman Ugaas Cabdulahi Ugaas Maxumad, Malaq Maxamed Yacqub Sheikh Deeroow, Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Ahmed.
Garoonka Hargeysa markii ay ka degeen ayaa waxaa soo dhoweyntooda loo qoondeeyay odayaasha dhaqanka Somaliland qaarkood, iyadoo loo diiday odayaal iyo mas’uuliyiin kale, inay soo dhoweeyaan, lagana hor istaagay saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland.
Odayaashan ayaa hadda ah fursadda kaliya ee hartay si dagaalka Laascaanood nabad loogu dhammeeyo, iyadoo ay dhammaan socon waayeen dadaalladii loogu jiray in xal loogu helo dagaalka u dhaxeeya Somaliland iy dadka degaanka Sool.