Warar dheeraad ah ayaa kasoo kordhay dagaal culus oo degmada Ceeldheer ee Gobolka Gagaduud ku dhex maray gelinkii hore ee maanta ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Maleeshiyada Alshabaab oo weerar kula jarmaaday magaalada.
Dagaalka ayaa sameeyay duleedka iyo gudaha magaalada Ceeldheer, waxaana ka qeyb galay ciidamada dowladda ee Gorgor iyo Khaalid Bin Waliid oo Turkiga iyo Masar ay kala tababareen iyo ciidamada degaanka, waxaana weerarka oo qaraxyo ku bilowday ka dhashay qasaare xoog leh.
Dagaal culus oo saacado socday ayaa ka dhacay Ceeldheer, waxaana lagu laayey Shabaab badan oo tiradooda aan la xaqiijin, iyadoo sidoo kale ay qaasaare culus uu soo gaaray ciidamada dowladda.
Waxaa la xaqiijiyay inay dagaalka ku dhinteen saraakiil ay ka mid yihiin Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Yoonis Xasan Sabriye oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo degaanka kasoo jeeda.
Alshabaab ayaa iyadu sheegtay inay cagta marisay saladhigyadii ciidamada dowladda, ayna ku dishay ilaa 59 sarkaal iyo askari, taasoo aan cidna xaqiijin.