Sunday, June 22, 2025

XOG: Farmaajo oo diiday Shirka Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo shaki laga qabo Xubno…

Siyaasiyiinta Mucaaradka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isu diyaarinaya kulan weyn oo Arbacadda Maanta uga furmaya magaalada.

Shirarkii ugu danbeeyay ayaa ka dhacay Guriga xildhibaan Sheekh Shariif, waxayna wararku sheegayaan in looga dooday ajendayaasha Shirweynaha Mucaaradka oo ujeedkiisu ugu weyn yahay in lagu mideeyo siyaasiyiinta waaweyn  ee mucaaradka iyo sidii ay mowqif mideysan u qaadan lahaayeen.

Ad

Shariif Sheekh Axmed oo ah fadhiga Mucaaradka ayaa  doonaya inuu noqdo Hoggaamiyaha Mucaaradka, si uu  hoggaamiyo ololaha looga horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna taageero hoose ka heystaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku xoojiyay xildhibaannada taageera.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in la isku afgartay in Isbaheysiga uu Afhayeen u noqdo Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo Maxamed Aadan Koofi xiriiriye kumeelgaara noqonaya, balse waxaa dib loo dhigay dhismaha Isbaheysiga siyaasiyiinta mucaaradka ah, sababo la xiriira wadatashiyo dheeraad ah iyo awood qeybsi.

Qorshaha hoggaanka Sheekh Shariif ee Isbaheysiga waxaa dhabarjab ku noqday, laba Qodob oo kala ah:

- Advertisement -
  • In isbaheysiga uu dhisayo uu ka maqan yahay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo miisaan weyn leh, kaasoo diiday inuu qeyb ka noqdo Kooxda Mucaaradka ee Shariifku hoggaaminayo. Sidoo kale Ra’iisal Wasaarihii hore C/weli Gaas ayaa xilligii u danbeeyay isna ka baaqsaday shirka Mucaaradka ee Muqdisho.
  • Caqabadda kale ee Shariifka heysata ayaa ah in xubno ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ee shirka ka qeybgalaya aysan ku siyaasad ahayn, loogana shakisan yahay inay xiriir hoose la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.
    Ra’iisal wasaare hore Cumar C/rashiid iyo xubno kale oo kulamo gaara la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xaaladda uga sii daray.

Go’aanada la filayo inay shirka Mucaaradka kasoo baxaan  waxaa ka mida;

  • Xulista Guddiga hoggaankla Mucaaradka ee waanwaanta la gelaya dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Iyo Shuruudaha ay Mucaaradka ku xirayaan dowladda oo ah inay ka noqoto wax ka beddelka Dastuurka iyo Doorashada Qof iyo Cod.

Abaabulka xoogan ee Siyaasiyiinta Mucaaradka ka wadaan Muqdisho waxaa barbar socda iyadoo madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ay heshiis ku gaareen dalka Imaaraadka, kuna sii jeedaan magaalada Nairobi.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON