Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo qabsatay Degaan u dhow Degmada Balcad iyo Wararkii ugu danbeeyay

Maleeshiyada Alshabaab ayaa Saaka weerar culus ku qaaday Degaanka Qalimow oo u dhow, degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Alshabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen tuuladaasi, ayna cagta mariyeen saldhigii ciidamada dowladda ee halkaa ku yaallay, iyagoo ku dilay saddex askari, halkaasi ka qaatay Saanad hub ah, kadib markii ay firxadeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

Dadka degaanka ayaa sheegay inuu dagaal culus oo muddo socday uu saaka ka dhacay Tuulada Qalimow, waxaana dagaalka uu keenay in Alshabaab ay halkaasi gadaal in muddo ahna qabsadeen, iyagoo kadib dib uga baxay.

Ad

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa dhinacooda sheegeen inay fashiliyeen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, ayna gaarsiiyeen qasaare badan.

Maha markii ugu horeysay ee Alshabaab weerar ku galaan degaanada Balcad iyo Tuulooyinkeeda, waxayna dhowaan saacado qabsadeen degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON