Sunday, June 22, 2025

Axmed Madoobe iyo C/casiis Lafta-gareen oo Hal Qodob kasoo saaray Xaaladda Doorashada (Akhriso)

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo K/Galbeed C/casiis Xasan Sheekh Maxamuud Maxamed ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shirar uga socday magaalada Kismaayo.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa shan qodob ayaa waxaa ka mid ahaa hal go’aan oo ku saabsan doorashada federaalka oo labada madaxweyne ay ku sheegeen in doorasho ku dhacda hannaan daah furan ay xal u tahay badbaadada dalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

Ad

Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta- gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo laba maalmood ku yimid Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah  ee Dowladda Jubaland.

Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo xaalada guud ee Dalka.

Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar- galinta Doorashooyinka.

- Advertisement -

Hadaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer kaddib, waxay Madaxda labada Dowladdood isla qaateen qodabadan hoos ku xusan.

1.) Abaaraha:

waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud ahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmad degdeg ah o bani’aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay ka mahadceliyeen dadaalada had socda.

2.) Amiga:

- Advertisement -

In la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka Argagixisada iyo isweydaarsiga ogaha amniga.

  1. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhexgalka Bulshada:

Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dhagan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shacab wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada maamul, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha, Xoolaha yo Kaluumeysiga.

  1. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka

Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta hannanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka

  1. Doorashooyinka:

Madaxdu waxay  isla garwaaqsadeen in gabsoomidda, dardargelinta iyo  dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON