Maamulka Jubbaland ayaa digniin kasoo saaray Odayaasha Jubbaland ee xiriirka la yeesha Alshabaab xilliga Doorashada.
Shir uu guddoomiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ay yeesheen Golaha Amniga ee Goboleedka Jubbaland ayaa laga soo saaray go’aan adag oo ku saabsan Odayaasha iyo ciddii la xiriirta Alshabaab.
Golaha Amniga Jubbaland waxay sheegeen in tallaabo laga qaadi doono Odayaasha Dhaqanka iyo cid walba oo xiriir la yeelata ururada argagixisada, kuna xad gudubta go’aanka golaha amniga.
Tallaabadan oo aan la faahfaahin ayaa waxaa la sheegay inay ka qaadi doonto Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee JISA.

