Sunday, July 6, 2025

Axmed Madoobe: “Sidaan Qoorqoor u sugeynay ama in Shir la isugu yimaado ayaanu ka war-helnay waa…”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka hadlay go’aankii dowlada Federaalka ku gaartay in Doorasho lagu socdo oo aan loo xayirnaan doonin dhinacyada tabashada qaba.

Isagoo ka hadlayay magaalada Kismaayo oo uu dib ugu laabtay Maanta ayuu sheegay inay nasiib darro tahay inaysan dowladda Federaalka waxba ka qaban caqabadihii soo baxay wixii ka dambeeyay markii la saxiixay heshiiska Doorashada 17-ka September oo muddo badan laga aamusnaa.

Wuxuu Axmed Madoobe caddeeyay in markii la isugu tegay magaalada Garowe ay shirar dhex mareen saddex madaxweyne maamul Goboleed, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo ay wehliyaan Mushariixinta qaarkood, ayna isla garteen in xal loo helo saddex caqabad oo hortaagan Doorashada.

“Qoorqoor anagoo sugeyna inuu nagu soo laabto ama shir la qabto, ayaan maqalnay waa la aqbalay heshiiskii, jawaabna waa laga waayey dhinaca kale… waxaan ku talinayaa mas’uuliyaddu dadku ma wada raaceyso.. waxay taabaneysa dadka mas’uuliyadda haya ee in la isu yimaado..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo mas’uuliyadda wixii ka yimaada arrintan dusha u saaray hoggaanka dowladda federaalka.

“Waxaan ka digayaa in farriimo aan jirin la is weydaarsado …. Doorashadana la yiraahdo hebel iyo hebelow qabta.. hebel iyo hebel oo bannanka ka jooga… waxaa ka imaan kara waan garaneynaa.. Soomaaliya haddii ay xamili karto Anaa iri iyo keli-talis ma aysan burburteen.. Maxaa diidaya in la isu yimaado..?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON