“Waa Doorasho natiijadeeda la hubo, ama doorasho la’aan. Ciddii malxiis ka noqonaysa iyo cidii diidaysaba. Qeylo dhaan warmo kama tunmaan”
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka deriyey sida ay ku socoto Doorashada Federaalka iyo faragelinta uu ku hayo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Farmaajo intii uu xilka sharciga ah hayey seddax doorasho ayaa la qabtay, midna laguma tartamin. Tii Aqalka Sare tartan kama dhicin, tiro kooban maahee, Tan haatan billaabateyna tartan kama jiro. Haddaba sideen ku aaminaa in doorashada madaxweynaha lagu tartamayo. Haddii Jawaari loo diiday shahaado tartan xildhibaan, sideen aniga tan tartanka madaxweynaha ku helayaa?” ayuu yiri Musharax C/raxmaan C/shakuur.
Wuxuu soo qaatay hab-dhaqanka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, isagoo qoralakiisa ku yiri; “Haddii Farmaajo horay labo Guddoomiye Baarlamaan midna xilka ka tuuray, kii kalana Villada ka soo cayrsaday, labo Raysalwasaaremidna xilka ka tuuray, midna la dagaalay, haddana dib u ceshaday. Haddii Raysal wasaarihii masuuliyadda doorashada iyo amniga loo dhiibay uu leeyahay boobka doorashada ee socdaa waxba kama qaban karo. Sideen lagu aaminnaa in aan doorashada madaxtinnimada la boobaynin, ama la isku diidaynin, ama la isku dulminaynin”.
Wuxuu is-weydiiyay: “Mise Farmaajo ayaa dhaqan boobka iska deynaa oo noqonaya Mukulaashii madaxa doolliga ka xajisay?.
Wuxuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay: “Falsafada meesha taala waa doorasho natiijadeeda la hubo, ama doorasho la’aan. Cidii malxiis ka noqonaysa iyo cidii diidaysaba. Qaylo dhaan warmo kama tunmaan”
