Thursday, June 26, 2025

C/raxman C/shakuur: “Labada Guddi Doorasho ee Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan Hay’adda NISA”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Guddiyada Doorashada ee Hirshabeele iyo Galmudug ay intooda badan yihiin xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda ee NISA.

“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugida Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugida…” ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiya Wadajir oo si toos ah u caddeeyay inuu soo magacaabay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sidoo kale sheegay in Guddiya Heer Federaal ay yihiin taageerayaashii Madaxweyne Farmaajo ee Barhaa bulshada ka taageeri jiray. “Guddiga heer Federaal badankiisa waa taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in aan masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay doorashadooda ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah..” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON