Monday, June 23, 2025

C/weli Muudey oo laga hor istaagay inuu ka dhoofo Garoonka Muqdisho (Yaa ka danbeeyay..?)

Guddoomiye Kuxigeenkii 1aad ee Baarlamaankii 10-aad C/weli Ibraahim Muudey ayaa ku xayirmay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeday Baraawe oo kursiga uu ku fadhiyo lagu dooranayo.

Tallaabada lagu hor istaagay C/weli Muudey ayaa wararku sheegayaan inay iska kaashadeen la-taliyaha Amniga ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin iyo Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, iyadoo sabab looga dhigayo inuu wato ciidamo hubeysan.

Diyaaradii qaadi lahayd C/weli Muudey ayaa la siiyey amar ka yimid maamulka K/Galbeed oo ah inaysan soo qaadi karin Muudey haddii uu wato ilaalo hubeysan, taasoo keentay inuu ku xayirmo qeybta VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegeysa in kursiga uu ku fadhiyo C/weli Muusey ee HOP145 uu Madaxweynaha K/Galbeed u xiray nin lagu magcaabo Maxamed-weli C/llaahi Sheekh oo qurbejoog ah.

Fahad Yaasiin ayaa rajo ka qaba inuu ku guuleysto kursigii uu ku fadhiyey xildhibaan Faarax C/qaadir ee HOP086, kadibna uu u tartamo xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacbka, kaasoo uu hadda ku fadhiyo C/weli Muudey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON