Monday, July 14, 2025

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo soo saaray Habraaca cusub ee Doorashada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray habraac cusub oo lagu maamulayo doorashada xildhibanndaa Golaha shacabka ee kasoo jeeda Somaliland

Habraacan cusub ayaa salka ku haya heshiiska Doorashada ee 27 May 2021, waxaana ku cad qaabka loo marayo doorasha Golaha shacabka iyadoo hal ergo (101) ay wada dooraan karaan dhowr kursi, taasoo loo eegay duruufta Somaliland.

Cabdi Xaashi ayaa loo doortay Senator ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, halka Mahadi Guuleed uu musharax u yahay kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo la filayo inay dhowaan dhacdo doorashadiisa.

Qodobka shanaad ee Shuruudaha musharaxa ayaa dhigaya in Musharaxa aan ka tirsaneyn Golaha shacabka iyo Wasiirada ee u tartamaya Golaha Shacabka, kana tirsan Ciidamada qalabka sida, Diblomaasiyiinta Shaqaalaha dowladda iyo hey’addaha dowladda laga doonayo inuu istiqaaladiisa u gudbiyo Guddiga doorashooyinka SEIT todobo maalin ka hor maalinta doorashada.

HOOS KA AKHRISO HABRAACA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON