Dood ka dhalatay Sawirro ay Xajka ku galeen Muuse Biixi & Wasiiro ka tirsan Dowlada Somalia

Waxaa si weyn loo hadal hayaa oo dood weyn ka dhaliyey baraha Bulshada Sawirro ay xajka wadajir ugu galeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Somalia oo qaarkood kasoo jeeda Somaliland.

Sawirrada waxaa baraha bulshada sood dhigay mas’uuliyiinta qaarkood sida wasiirka Maaliyadda xukuumadda Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle, waxaana si weyn uga dooday dad qaarkood soo dhoweeyay walaaltinimada iyo sida ay uga weyn tahay siyaasadda la isku hayo, halka qaarkood ay eedeyn u jeediyeen labada dhinac, wuxuuna noqday sawirka ugu hadal heynta badan.

Ad

Sawirka waxaa ka muuqda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalilamd Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan iyo Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud, wuxuuna kulan is arag ah ku dhex maray goob ku taal Mina.

Wasiir Beyle oo farriin xeel dheer soo dhigay baraha bulshada ayaa kulankaasi ku yiri: ” Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah. Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno. Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqdo ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo..”

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud ayaa isna qoraal uu baraha bulshada soo dhigay farriin uu ku sheegay inay sharaf u aheyd inay la qaxweeyaaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, wuxuuna intaas ku datay in Madaxweyne Muuse Biixi uu yahay nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,356FansLike
1,243FollowersFollow
3,414FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!