Tuesday, July 15, 2025

Doorashada Aqalka sare oo ka bilaabaneysa Baydhaba iyo Heshiis Isbaheysi oo dhex maray Farmaajo & Lafta..

Qaar ka mida Guddiga Doorashada maamulka K/Galbeed iyo xubno ka mida Guddiga Doorashada heer Federaalka ee lagu muransan yahay ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, kadib heshiis isbaheysi doorasho oo dhex maray Madaxeweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Mamaulka K/Galbeed.

Waxaa lagu wadaa inay doorashada Senatoorada ee ka soo jeeda K/Galbeed ay ka bilaabato magaalada Baydhaba maalmaha soo socda, kadib markii Madaxweynaha K/Galbeed oo taageeraya qorsahaha Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday inuu noqdo maamulkii ugu horeeyay ee laga soo doorto senatoorada Aqalka Sare.

Kulan Madaxtooyada Soomaaliya ku dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu soo gabagabeeyay hesiiska arrimaha doorashada ee sida hoose u dhex maray labada mas’uul, kaasoo ku saabsan soo saarista Senatooro iyo xildhibaano taageersan Madaxweyne Farmaajo oo doonaya in mar kale dib loogu doorto xilak Madaxweynaha.

Madaxweynaha K/Galbeed C/Casiis Lafta-gareen ayaa heshiiskaasi ku helaya xilal dolwadeed oo ay ku jiraan safiiro, taliyeyaal, agaasimeyaal iyo taageero dhaqaale.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA ANA HORE UGA QORNAY LAFTA-GAREEN

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON