Dowladda Ingiriiska ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in degdeg loo qabto Doorashadii, lagu laabto wadahadal degdeg ah.
War kasoo baxay Dowladda UK aya lagu sheegay in si loo ilaaliyo nabadgelyada, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, ay muhiim tahay in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorashooyin ku dhisan is-afgarad iyo wadar ogol.
“Boqortooyada Midowday (UK) waxay la socotaa go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ah inuu dib ugula laabto wadahadalka madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka isagoo saldhigu yahay heshiiskoodii 17-kii Sebtember, kaasoo ah wadada kaliya ee ay ansixiyeen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka” ayaa lagu yiri Qoraalka dowldda Ingiriiska.
UK waxay bogaadisay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sidii ay u diideen muddo kordhinta. Waxayna ka dalbadeen madaxweynaha iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka inay si degdega u bilaabaan wadahadalshuruud la’aan ah.
Waxaa madaxda Soomaalida lagu booriyey inay la yimaaddaan iyagoo tanaasul lagama maarmaan ah iyo inay si daacadnimo leh uga gorgortamaan. “Waxaan si aad ah uga walaacsanahay ku guuldarraysiga in dhaqso loogu dhaqaaqo doorashooyinka ay horseedi karto amni darro weyn, Muqdisho iyo meelo kale, ayna la timaado cawaaqib xumo bani’aadamnimo” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Rabshadaha ka dhacay Muqdisho aya barakiciyay tobanaan kun. Waxayna UK ugu baaqeysaa dhamaan ciidamada amaanka caasimada inay ka waantoobaan rabshadaha isla markaana ay ilaaliyaan xasiloonida.
