Monday, July 7, 2025

XOG: Yaa ka danbeeyay Go’aannadii ay Rooble, Qoorqoor iyo Guudlaawe uga hor yimaadeen Muddo kororsiga

Qoraalladii daqiiqadaha u dhaxeeyay ee ay soo saareen madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Galmudug / Hirshabelle iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta waxay isbedel weyn ku yimid xaladii is mari-waaga Doorashada dalka ee gaartay iska hor imaad iyo gacan-ka-hadal.

Kadib markii ay soo xirmeen dadaalladii ay wakiilada beesha caalamka ugu jireen inay Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qanciyeen heshiis uu la galo madaxda dowlad Goboleedyada si loo dhaqan geliyo heshiiskii Doorashada 17-ka Septembar 2020, waxay qaateen tallaabooyin kale oo lagu go’doominayo.

Dulqaadka Beesha Caalamka u heysay Farmaajo wuxuu soo dhammaaday 12-ka April 2021, markii uu Aqalka hoose ee Golaha shacabka ku riixay muddo kororsi 2 sano ah, isla markaana uu saxiixay, isagoo ku adkeystay inuu ku soconayo, wuxuuna telefoonada ka xirtay wakiilada Beesha caalamka, kuwooda saameynta leh.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa Mareykanka iyo dalal ka mida Yurub inay si toos ah cadaadis u saareen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe oo ay dadaal u galeen inay ka hor keenaan Farmaajo si loo fashiliyo qorshihiisa muddo kororsiga, looguna qasbo tanaasul.

Cadaadiska Beesha Caalamka wuxuu isugu jiray hanjabaadyo shaqsi ah oo tallaabo looga qaadayo siyaasiyiintan, sida xayiraado kala duwan iyo in loo aqoonsado qas-wadeyaal, waxaa kaloo beesha caalamku cadaadis saartay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh.

Bidix Safiirka UK, Wasiirka Arrimaha dibadda Sweden iyo Safiirka Mareykanka

Dowladda Sweden waxay si gaara ula hadashay, cadaadis xoog lehna u saartay Ra’iisal wasaare Rooble, ilaa uu ka ogolaaday inuu ka hor yimaado muddo kororsiga, si cadna u shaaciyo mowqifkiisa. Waxyar kadib markii uu soo baxay qoraalkii Ra’isal wasaaraha, waxaa bayaan bogaadin ah ka soo saartay Wasiirka Arrimaha dibadda Sweden Anna Linde, waxayna iyadoo magaca Maxamed Rooble xuseysa farrinteeda ku tiri:

“Waxaan soo dhoweynayaa bayaankii maanta kasoo baxay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Momamed H Rooble oo soo jeediyey wadar-ogol hore loogu socdo, uguna baaqay saamileyda inay u diyaar garoobaan doorasho ku dhisan heshiisyadii hore”.

Sidoo kale Mareykanka ayaa si gaara usoo dhoweeyay go’aanada ay muddo kororsiga Farmaajo ku diideen Madaxda Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Ra’iisal wasaare Maxaned Rooble, isla markaana waxaa farriinta laguu xusay magacyada saddexda mas’uul, halka Farmaajo loo tilmaamay inuu wadddadaas cad raaco.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in Ingiriiska uu sidoo kale kaalin ku lahaa gadoodkii Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo heysta dhalashada UK, kaasoo ka hor yimid muddo kororsiga Farmaajo, isla markaana ahaa ninkii ugu horeeyay ee furay jidka gadoodka saraakiisha ciidamada.

Waxaa muuqata in Mareykanka, Ingiriiska, Sweden ay qorsheyeen go’doominta Maxamed Farmaajo kadib muddo 7 bilood markii uu caqabad ku ahaa in Doorasho ka dhacdo Soomaaliya, kadibna uu 2 sano kororsaday, waxaana hadda qorshahooda ka harsan inay gacantiisa ka bixiyaan ciidamada, taasoo ah arrinta ugu weyn ee uu ku dagaalami doono xilliyada soo socda, ahna tijaabada ugu weyn oo hortaalla Rooble.

Xilligan wuxuu cadaadiska iyo tooshka beesha calaamka saaran yahay Farmaajo iyo Mursal oo laga dalbanayo inay waxba kama jiraan ka dhigaan muddo kororsigii ay laba todobaad ka hor ku dhawaaqeen, waxaana farriimaha socda ay toos ugu socdaan Farmaajo, iyadoo la filayo inuu cadaadisu kusii socdo Farmaajo.

Dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay la-tacaalidda xaallada Soomaaliya u wareejiyeen caasimadaha dalalkooda, waxaana si toos ah go’aanno uga soo saara xilligan Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalkaasi, halkii ay howsha wadi jireen safiirada Muqdisho jooga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON