Xukuumadda xilgaarsiinta Federaalka ayaa shaacisay in heshiis lagu gaaray shirii Wadatashiga Qaran Doorashada ee ka socday magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq Maxamud, ayaa khudbad uu galabta u jeediyay fadhigii garka ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ka sheegay in ‘Heshiis laga gaaray’ arrimihii la isku hayay ee Doorashada.
Wasiirku wuxuu caddeyay in mabda’ ahaan ay dhinacyada ka heshiiyeen saddexdii qodob ee uu muranka ka taagnaa, isla markaana War-murtiyeedka heshiiska Doorashadana la soo saari doono Khamiista 27-ka bishan May2021.
Heshiiska sida hordhaca ah loo sheegay in lagu gaaray shirkii Muqdisho ee arrimaha Doorashada ayey xukuumaddu la wadaagtay beesha Caalamka iyadoo an weli shacabk Soomaalida loo sheegin heshiiska.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xerada Afisyoone.
